Dhuusamareeb-(SONNA)-Liibaan Axmed Xasan oo ka mid ah ganacsatada kasoo jeedda Galmudug ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya Waqooyiga Galgaduud.
Liibaan ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dagaal beeleedka udhaxeeya beelaha walaalaha ah ee kasoo kala jeeda Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga Galgaduud.
Wuxuu ku boorriyay beelaha ay dirirtu u dhexeyso iyo cuqaasha labada dhinacba ay xabbadda joojiyaan shuruud laโaan, iyagoo ku beddelaya wada hadal, lana dhigo gogol, lana furo wada hadal walaaltinimo.
โWaxaan walaalahan dirirta u dhaxeysa ugu baaqayaa in xabadda ay joojiyaan arimaha dagaalada sababyna lagu xalliya gogol-nabadeed, wada hadal iyo walaalnimoโ.
Ganacsade Liibaan Axmed Xasan ayaa sheegay in ay ayaan-darro tahay in qaboojinta dagaalkan looga fadhiyo masโuuliyiinta Galmudug iyo wax garadka labada beelood.
Liibaan ayaa sidoo kale sheegay in dagaalku uu sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo aan lasoo koobi karin, loona baahan yahay in colaaddan iyo dagaal beeleedyada kale ee ka socda Galmudug xil ballaaran layska saaro, isagoo ku baaqay in la gaaro nabad, heshiis dhab ah, lana muujiyo walaalnimo.